Ac Milan oo Shaacisay Waqtiga lasoo bandhigayo Garoonkeeda Cusub

Madaxweynaha Milan Paolo Scaroni ayaa rajaynaya in Rossoneri ay dhawaan yeelato garoonkeeda cusub kaasi oo diyaar noqon doona 2025.’

Scaroni ayaa bixiyay warbixin ku saabsan garoonka cusub ee Rossoneri wareysi uu siiyay Radio Anch’io halkaas oo uu sidoo kale kaga hadlay bartilmaameedyada kooxda iyo kordhinta qandaraaska Franck Kessié.

“Ma iloobi karo in Arbacada aan aadi doono Liverpool, Chanpions league,” ayuu yiri Scaroni.

“Waxaan joognaa meel wanaagsan, waxaan ku rajo weynahay xitaa haddii ay dhowaan dhici doonto doorashada duqa magaalada. Oktoobar waxay noqon doontaa bil muhiim ah. Ansixinta golaha magaalada kadib, oo aan filayo inay dhici doonto dhammaadka sannadka, waxay qaadan doontaa lix bilood naqshadeynta.

“Waqtigaas, dhismuhu wuxuu bilaaban karaa qeybtii labaad ee 2022 iyo, inta u dhaxaysa 2024 iyo 2025, waa diyaar.

“Taageerayaashu waxay og yihiin in kubbada cagta caalamiga ah lagu sameeyo lacag iyo lacag la’aan, ma gaari kartid natiijooyinka ay taageerayaashu rabaan.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com