Aadan Barre: “Maalintii waxaan ahay Kenyaan, habeenkiina waxaan ahay Soomaali oo waxaan Taleefanka kula hadlaa MW Farmaajo”

Guddoomiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka hadlayay khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya wadamada Kenya iyo Soomaaliya ee salka ku haya muranka Badda Soomaaliya ee Kenya ay damaacineyso ayaa sheegay inuusan ka Aadan ahaan ogolaa doonin in taako ka mid ah dhulka Kenya inuu qaato wadan kale.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan ka maarmin Kenya oo labada wadan uu ka dhaxeeyo wanaag badan, isaguna jinsi ahaan uu yahay Soomaali, balse uu hadda yahay xubin ka tirsan madaxda wadanka Kenya, sidaas darteedna uusan ogoley in Soomaaliya ay qaadato in yar oo ka tirsan dhulka Kenya.

Waxa uu tusaale u soo qaatay dalka Jabuuti iyo Soomaali-galbeed oo uu sheegay in madaxdoodu ay asal ahaan yihiin muwaadiniin soomaaliyeed, balse aysan ogolaaneyn in la qaato taako ka mid ah dhul ay leedahay Itoobiya ama Jabuuti,

Guddoomiye Aadan Barre ayaa yiri, “Wadankaan aniga ayaa madax ka ah inta ay Soomaali ku heysatana kuma haystaan wadamada kale ee caalamka, sababtuna waxey tahay madax aan anigu u horeeyo ayey wax ku yihiin, madaxda dalka Soomaaliya haweenkooda iyo caruurtooda ayaa wadankaan degan, qaxootiga dunida ugu badan oo ah dad soomaaliyeed ayaan in ka badan 30 sano ku heynay wadankaan oo ay marti noo ahaayeen, Kenya waa gurigii labaad ee Soomaaliya, arinka yare e ka dhexeeya labada dal waa laxalinayaa ee yaan la buun buunin”

Guddoomiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya oo sii hadlayey ayaa yiri “Waxaan ahay masuulka Seddaxaad ee ugu sareeya dalka Kenya, markii miiska wada hadalka lasoo fariistana waxaan soo fariisanayaa anigoo ah mawaadin Kenyaan ah, Soomaalidu ha iga raali ahaato, ma ogolaanayo in la qaato dhulkeena Bad ama Barri, majiro wadan aan ka yeeleyno inuu isku dayo qaadashada dhulkeena, maalintii waxaan ahay Kenyaan, habeynkiina waxaan ahay Soomaali oo waxaan Taleefoonka kula hadlaa Madaxweyne Farmaajo”.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here