DEG DEG: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Qarax Miino ayaa goor dhow ka dhacay deegaanka weydow ee duleedka Muqdisho waxana qaraxaasi uu haleelay Gaari ay wateen Askar katirsan Militeriga xoogga Dalka.

Dad ku sugan deegaanka Weydow ayaa Warkii Online u sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen Seddax Askari oo la socotay gaarigii uu qaraxu haleelay, sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen Seddax Askari oo kale.

Ciidamada lasocday gaariga uu haleelay qaraxaas ee katirsanaay xoogga dalka ayaa la sheegay in ay ka imaadeen Gobolka Shabeellada Hoose isla markaana ay kusoo wajahnaayeen gudaha magaalada muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here