Ugu yaraan toddoba qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay dhowr kalena lagu dhaawacay weerar isugu jira is-miidaamin iyo rasaas oo lagu qaady meel u dhow kaniisad Yahuudeed oo ku taalla magaalada Vienna ee dalka Austria.

Ninka toogashada fuliyey ayaa si weyn loo raadinayaa ayada oo la rumeysan yahay inuu goobta ka baxsaday, halka dhowr qof oo la socday loo maleynayo inay is-qarxiyeen

Wargeyska ugu afka dheer Austria ee Kronen Zeitung ayaa ku sheegay dhacdadan mid argagixiso, islamarkaana sidoo kale lagu toogtay oo si xun loogu dhaawacay sarkaal boolis.

Illaa iyo hadda ma cadda haddii kaniisadda Yahuudda uu ahaa bartilmaameedka weerarka, ayada oo dhisme iyo maqaayad u dhow labaduba ay xirnaayeen markii weerarka uu dhacay

Sawirro naxdin leh oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad goobta ka baxsanaya, ayaga oo dhaawac ah oo dhiigmaya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Austria ayaa xaqiijiyey dhimashada hal qof oo kaliya iyo dhaawaca dhowr kale.

Idaacadda dowladda ee ORF ayaa goobjoogeyaal kasoo xigatay in toogashada ay billaabay abaare 7-dii habeennimo, laguna qaaday waddo hormarta kaniisadda Yahuudda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here