5-taan Jilaa Bollywood-ka Katirsan Filimadooda Ugu Horeyeen Flop ayee Ka Noqdeen:

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

1-Saif Ali Khan ayaa jillay filimkiisii ugu horreeyay xirfaddiisa sanaddii 1993-kii waana filimka la dhaho Parampara kaaS oo director ka ahaa yash chopra sidoo kale waxaana jillaayaal ka ahaa Xiddigo waa weeyn sida Aamir Khan, Raveena Tandon Sunil Dutt, iyo Vinod Khanna marka la barbar dhigo Saif Ali Khan balse Box-office ka ka noqday filim guul dareestay oo Flop ah.

2-Amitabh Bachchan: ayaa jillay xirfaddiisa markii ugu horreesay filimka la yiraahdo saat Hindustani kaas oo director ka ahaa Khwaja Ahmed Abbas waxaana la saaray tiyaatarada 7-november sanaddii 1969-kii balse Box-office ka ka noqday filim guul darresstay.

3-Kajol ayaa la immaaday ama jishay markii ugu horreesay filimka la yiraahdo Bekhudi xirfaddeeda oo dhan balse wuxuuu filimkan uu ka noqday aktaradda Kajol midka guul darreestay.

4-Emraan Hashmi: ayaa jillay ama la immaaday filimkiisii ugu horreeyay ee Footpath markaas uu Director ka ahaa Vikram Bhatt waxaana filimkan laga sii daayay tiyaatarada 15-August sanaddi 2003 balse filimka wuxuu ka noqday mid ka guul darreestay.

5-Katrina Kaif ayaa jishay filimkeedii ugu horreeyay sanaddii 2003 Waana filimka Boom Awaxaana soo saare ka ah xaaska uu qabo jackie shroff ee Ayesha Shroff.

Waxaana hoggaamiyaal ka ah Amitabh Bachchan, Gulshan Grover, Zeenat Aman iyo Jackie Shroff. Balse filimkan noqday mid ka guul darreestay.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII