25ka Ciyaartoy Ee Ugu Caawinta Badnaa 20kii Sannadood Ee Ugu Dambeeyey Oo La Shaaciyey

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Ciyaartoydii ugu caawinta badnaa 20kii sannadood ee ugu dambeeyey ayaa lasoo bandhigay, kuwaas oo xogtooda laga soo bilaabay sannadkii 2000.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi oo soo baxay sannadkii 2004 ayaa kaalinta koowaad kaga jira liiska ciyaartoyda sameeyey goolashii ugu badnaa, waxaana uu ku garaacay ciyaartooyo waaweyn oo dheelay kulamo ka badan intiisa.

Messi oo toddobaadkii hore u dabbaal-degay goolkiisii 700aad ee uu dhaliyey intii uu kubadda cagta ku jiray, rikoodhkanna ku buuxiyey rikoodhihii uu ka dhaliyey Atletico Madrid, waxa u dheer 319 gool oo kale oo uu caawiye ka noqday.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa kusoo xiga, waxaana uu caawiyey 258 gool, halka kaalmaha saddexaad, afraad iyo shanaad ay kala galeen Luis Suarez, Mesut Ozil iyo Angel Di Maria.

Halkan kaga bogo liiska 25ka ciyaartoy ee caawinta ugu badan ka sameeyey garoomada Yurub 20kii sannadood ee ugu dambeeyey:

25. Karim Benzema – 176

24. David Beckham – 176 (Wuxuu ciyaaray kulamo ka yar inta Benzema)

23. Hulk – 178

22. Wayne Rooney – 179

21. Eden Hazard – 181

20. Andres Iniesta – 182

19. Dusan Tadic – 185

18. Dries Mertens – 188

17. Thierry Henry – 190

16. Neymar – 190 (Sababta loo sarraysiiyey waa inuu ka kulamo yaryahay Henry)

15. Arjen Robben – 193

14. Zlatan Ibrahimovic – 196

13. David Silva – 200

12. Kevin De Bruyne – 200 (Sababta loo sarraysiiyey waa inuu ka kulamo yaryahay Silva)

11. Andrey Arshavin – 201

10. Steffen Hofmann – 208

9. Thomas Muller – 224

8. Franck Ribery – 227

7. Xavi – 230

6. Cesc Fabregas – 234

5. Angel Di Maria – 235

4. Mesut Ozil – 253

3. Luis Suarez – 256

2. Cristiano Ronaldo – 258

1. Lionel Messi – 319

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII