25ka Ciyaartoy Ee Tiradii Ugu Badnayd Ku Guuleystay Xiddiga Garoonka “Man of the Match” Xili Ciyaareedkan Shanta Horyaal Ee Waaweyn & Messi Oo Boodhka Ku Qasay Ronaldo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Ciyaaryahannada tiradii ugu badnaa kusoo guuleystay abaal-marinta xiddiga garoonka (Man of the Match) ee xili ciyaareedkan sii dhamaanaya ee 2019/20 ee dhamaan shanta horyaal ee waaweyn ayaa lasoo saaray, waxaana meel aanay cidina gaadhi karin istaagay xiddig marka horeba la filan karayay inuu wacdarahaas dhigi karo.

Shanta horyaal ee Premier League, Serie A, LaLiga, Bundesliga iyo Ligue 1 ayaa lasoo ururiyey xogta ciyaartoyda kusoo guuleystay abaal-marinta xiddiga garoonka, waxaana meel la iskugu keenay 25ka xiddig ee tirada ugu badan kusoo guuleystay.

Advertisements

Kevin de Bruyne ayaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League aanay cidina soo qaban karin oo sagaal jeer kusoo guuleystay xiddiga garoonka xili ciyaareedkan, waxaana ku xiga Sadio Mane iyo Marcus Rashford oo min toddoba jeer kusoo guuleystay.

Horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga, waxa hoggaaminaya laacibka ay dhowaanta Chelsea lasoo saxeexatay ee Timo Werner oo 10 jeer loo doortay xiddiga garoonka, abaal-marintana la siiyey, waxaana cajiib ah inuu saddex mar ka sarreeyo xiddiga Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo toddoba jeer ‘Man of the Match’ kusoo guuleysay xili ciyaareedka dhamaaday.

Waddanka Talyaaniga waxa hoggaaminaya Cristiano Ronaldo oo 10 ciyaaarood xiddiga garoonka ku guuleystay, isla markaana dhaliyey 30 gool oo Juventus ka caawiyey in Isniinta soo socota loo caleemo-saaro horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A markii sagaalood oo xidhiidh ah.

Laakiin CR7 oo ay xafiiltamaan Lionel Messi, waxa xili ciyaareedkan lagaga tegay meel cidlo ah, iyadoo xiddiga reer Argentine aanay cidina gaadhi karayn tirada kulamada uu noqday xiddiga garoonka ee abaal-marinta la siiyey.

Messi ayaa 22 ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah loo doortay xiddigii ugu fiicnaa garoonka, laakiin wax kasta oo uu sameeyey ba, waxay kooxdiisa Barcelona ku dhamaysatay koob la’aan iyadoo ay Real Madrid kaga guuleysatay horyaalka sannadkan.

Halkan ka akhriso 25ka ciyaartoy ee tirada ugu badan kusoo guuleystay xiddiga garoonka xili ciyaareedkan:

25. Raul Garcia, Athletic Bilbao (6 abaalmarinood)

24. Richarlison, Everton (6 abaalmarinood)

23. Gerard Moreno, Villarreal (6 abaalmarinood)

22. Mohamed Salah, Liverpool (6 abaalmarinood)

21. Adama Traore, Wolves (6 abaalmarinood)

20. Angel Di Maria, PSG (6 abaalmarinood)

19. Kylian Mbappe, PSG (6 abaalmarinood)

18. Hassane Kamara, Reims (7 abaalmarinood)

17. Marcus Rashford, Manchester United (7 abaalmarinood)

16. Sadio Mane, Liverpool (7 abaalmarinood)

15. Serge Gnabry, Bayern Munich (7 abaalmarinood)

14. Jadon Sancho, Borussia Dortmund (7 abaalmarinood)

13. Josip Ilicic, Atalanta (7 abaalmarinood)

12. Robert Lewandowski, Bayern Munich (7 abaalmarinood)

11. Rodrigo De Paul, Udinese (8 abaalmarinood)

10. Nabil Fekir, Real Betis (8 abaalmarinood)

9. Ciro Immobile, Lazio (8 abaalmarinood)

8. Dimitri Payet, Marseille (8 abaalmarinood)

7. Kevin De Bruyne, Manchester City (9 abaalmarinood)

6. Joselu, Alaves (10 abaalmarinood)

5. Karim Benzema, Real Madrid (10 abaalmarinood)

4. Luis Alberto, Lazio (10 abaalmarinood)

3. Timo Werner, RB Leipzig (10 abaalmarinood)

2. Cristiano Ronaldo, Juventus (10 abaalmarinood)

1. Lionel Messi, Barcelona (22 abaalmarinood)

Advertisements
Laacib.net

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII