25 sano kadib xusuusta xasuuqii Muslimiinta Yurub

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Srebrenica (warkii.com) – Dadka dalka Bosnia ayaa xusay xasuuqii magaaladda Srebrenica loogu geystay ku dhawaad 8,000 oo rag Muslimiin ah, iyagoo dhigay sanad guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay kolkii uu dhacay xasuuqii argagaxa geliyey aduunyada oo dhan, isla markaana noqday xasuuqa keliya ee Europe ka dhacay kaso-koow dagaalkii labaad ee dunida.

Xasuuqa waxaa ka dambeeyay oo geystay ciidankii Serbia ee uu hoggaaminayey Taliye Ratko Mladić. Garyaqaano caalami ah oo baaritaan xasuuqa ku sameeyay ayaa dilkaas waxaa ay markii dambe u aqoonsadeen xasuuq..

Kala-sooc laga sameeyay Yugoslavia sanadkii 1991-kii ayaa koonfur-bari iyo bartamaha ayaa Yurub ka abuuray khalalaase, kaasi oo keenay dagaallo dhex maray qowmiyado sanadihii ka dambeeyay 1991-kii. Fowdada ka dhanka ah Muslimiinta Bosnia intii uu socday xasuuqii Srebrenica waxaa ay ka dhalatay khilaafka gobolka.

Sida ay sheegeen cilmi-baareyaashu, xasuuqu waxaa uu ahaa kii ugu darnaa ee dad rayid ah loo geysto tan iyo xasuuqii Yahuudda.

Dagaalkii Bosnia ee dhacay intii u dhaxeysay 1992-dii iyo 1995-tii, waxaa uu ahaa waqi barakac iyo isir-sifeyn ay ciidanka Bosnia ugeysteen Muslimintii Bosnia iyo dad asalkoodu kasoo jeeday Croatia oo degenaa Bosnia.

Intii uu dagaalku socday, xasuuqii Srebrenica waxaa uu billowday July 11, 1995-kii, markii Taliye  Ratko Mladić uu qabsaday magaaladda Srebrenica. Kumanaan qoysaska Muslimiinta Bosnia ah ayaa isku deyay in ay magan-galaan guuto ciidan ah oo ka socday Netherlands, kuwaas oo ka tirsanaa howlgal ay Qaramadda Midoobay hoggaamineysay, iyagoo aaminsanaa in ay meesha ay ciidankaasi maamulaan ay tahay goob ammaan ah.

Ciidanka Netherlands ka socday waxay ku guul darreysteen in ay joojiyaan dilka loo geysanayay dadkii muslimiinta ahaa. Cilmi baareyaashu waxay sheegeen in howlgalka Qaramadda Midoobay uu aad ugu guul darreystay ilaalinta Muslimiintii Bosnia, taas bedelkeedana ay wiilal yar-yar iyo dad waa waa-weyn u gacan geliyeen ciidanka Bosnia, iyagoo og in la dili doono.

Goobtii ammaanka ahayd waxay markii dambe gacanta u gashay ciidanka Bosnia, kadib markii ciidankii Netherlands ay is-dhiibeen. Qaar cilmi baareyaasha ka mid ah waxay rumeysanyihiin in 8,000 oo Muslimiin ah la dilay in uu xasuuqu socday oo ahayd labo todobaad.

Caruur keliya ma ahayn, wilal da’ yar iyo rag kale ayaa lala soo wareegay si loo xasuuqo. Gumaadka waxaa sidoo kale la socday xad-gudubyo ka dhan ah haweenka, gabdho ayaa lala wareegay si loo kufsado. Xasuuqii kadib gabdhihii iyo haweenkii waxay sheegeen in ciidankii Qaramadda Midoobay aysan difaacin.

Waxaa jira dad ka badbaaday oo ka sheekeeyay sida ay ciidankii Bosnia ugu qasbeen Muslimiinta ay xabaalahooda qotaan kadibna ay dileen. 25 sano kadib, meydka dhibaneyashii ayaa weli laga helaa xabaal wadareedyo.

Garyaqaanadda Dambiyadda Caalamiga ah ee Yugoslavia-yadii hore oo baarayay dambiyo dagaal oo dhacay intii ay socdeen dagaaladdii Balkans-ka 1990-maadkii, waxayna ogaadeen in ciidanka Bosnia ay sameeyeen dadaallo ay meesha uga saarayaan xabaal wadareedyadda si ay u qariyaan xaddiga dilka iyo dambigu la egyihiin.

In meydadkii lasoo saaray waxay adkeysay in la aqoonsado dhibaneyaasha, baaritaankuna waxaa uu muujiyay in meyd haraagiis laga helay xabaalo kala duwan. Garyaqaanadu waxay sheegeen laynta muslimiintii Bosnia loo fekeray, isla markaana si gaar ah loo qorsheeyay.

Sanadkii 1995-kii, Garyaqaanada Dambiya Caalamiga ah waxaa ay cadeeyeen in hoggaamiyihii ciidanka Bosnia Ratko Mladić iyo Radovan Karadžić oo ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyadda Srpska ay galeen dambiyo dagaal oo ka dhan ah Muslimiintii Bosnia.

Kadibna Xogahayihii Guud ee Qaramadda Midoobay Kofi Annan ayaa warbixintiisii xasuuqii  Srebrenica ee 1999-kii waxaa uu gaworshiyo ka bixiyay guul daradda Qaramada Midooday ee ah in ay ilaalin weysay dadkii rayidka ahaa ee la xasuuqay waxuuna yiri “Musiibadda Srebrenica waxay weligeed ka muuqan doontaa tariikhda Qaramada Midoobay.”

Dalka Netherland, guul daradii ay soo hooyeen guutadii Dutchblat iyo warbixino la xiriira qaybtii ay ciidanku ku lahaayeen fowdadii Bosnia ayaa keentay in Dwladdu ay baaritaan sameyso sanadkii 1996-kii. Warbixin la daabacay todobo sano kadib ayey Dowladdu ku qiratay guul daradii howlgalka nabad ilaalinta, waxayna sidoo kale qiratay mas’uuliyiintoodii in ay awoodi waayeen in ay dhibaneyaasha ilaaliyaan, intii uu xasuuqu socday.

Bishii March sanadkii 2003-dii Bosnia iyo Herzegovina waxay billaabeen baaritaan ku saabsan xasuuqii Srebrenica, iyagoo aad ugu tiirsan wixii ay soo heleen Garyaqaanadda Dambiyada Caalamiga ah ee Yugoslavia, taasi oo sanadkii xigeyna ay soo gabangabeeyeen. Dowladda Bosnia waxay qiratay in lagu kacay dembi ka dhan ah Muslimiintii Bosnia.

Toban sano kadib xasuuqii, sanadkii 2005-tii, Aqalka Wakiiladda Mareykanka waxay meelmariyeen qaraar, ay Srebrenica ugu aqoonsadeen gumaad. Bishii March 2016-kii, Rodovan Karadžić, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Srpska, ayaa waxaa dambi ku helay Garyaqaanada Dambiyada Caalamiga ah, waxaana lagu xukumay 40-sano oo xabsi ah. Sanad kadib bishii November 2017-kii Ratko Mladić ayaa isna lagu helay dambi gumaad ah, dambi dagaal, iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.

July 11, 25-sano kadib, xuska waxaa lagu qabtay magaaladda Srebrenica, iyadoo la xasuustay dadkii dhibaneyaasha ahaa ee la xasuuqay. Intii munaasabadu socotay, sagaal meyd oo dhawaan la aqoonsaday ayaa xabaalaha Potocari lagu aasay. Waxaa isu-soo baxay dadkii baroor-diiqayey, hadana isku dhawaanshaha waa la xadiday Coronavirus dartiis. Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa sidoo kale soo saaray qoraallo ay ku xasuusanayaan xasuuqii Muslimiina.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah cilmibaareyaasha, siyaasiyiin badan oo reer Serbia ah iyo muwaadiniintu ma ogola in xasuuq loogu yeero dadkii la laayey.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII