2 Madaxweyne Oo La Xaqiijiyey in goordhaw gaarayaan Dh/Mareeb

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Warar lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyey in labo Madaxweyne laga sugayo inay gaaraan maanta Magaalada Dhuuso mareeb.

Wariyeyaal jooga Caasimada Galmudug ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ay Salaadii Duhur kadib ka qaaday diyaarada Magaalada Beled weyne.

Sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani isna uu ku wajahan yahay isla maanta Magaalada Garowe.

Wararka waxay sheegayaan in iyaguna berri subax la filayo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya iyaguna gaaraan dhuuso mareeb.

Madaxdaan ayaa ka qeyb galaya Shirka Galmudug ay gogosheeda fidisey taas oo maalmo kooban la filayo inay qaadato.

Sidoo kale Dawlada Soomaaliya ayaa waxay isha ku heysaa waxyaabaha kasoo baxa Shirkaan oo muhiim loo arkayo Arimaha Doorashada Soomaaliya.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII