137-Somali oo ku xayirnaa Uganda oo dib loogu soo celiyay Muqdisho & DF oo..

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo markii 4-aad Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Uganda u fudeysay in dib dalka loogu celiyo.

137 Muwaadin ayaa  maanta ka dhoofay Garoonka Caalamiga ah ee Entebbe ayaa noqoya duulamadkii 4-aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda u fudeydiso in dalkii dib looga celiyo.

Hadda qaar ka mid ah dadkii maanta ka dhoofay garoonka Entebbe oo hadlay warbaahinta  ayaa ugu mahad celiyay Safaaradda sida ay gacanta weyn ugu geystay in aay dalkii  dib ugu laabtan.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ku xayirmay qaar ka mid ah dalalka Caalamka ka dib markii uu Cudurka Corona ka dilaacay dunida.

Qaar ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa tagga Safaaraddaha dowladda Soomaaliya Afrika iyo dalalka Carabta ka dibna halkaasi ayay iska diwaangaliyaan.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII