10ka Ciyaartoy Ee Ugu Gool-dhalinta Wanaagsan Qarniga 21aad Iyo Xogta Cajiib Ah Ee Ay Haystaan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Tobanka ciyaartoy ee qarniga 21aad ugu gool-dhalinta sarreeya marka la isku eego kulamadooda iyo goolasha ay dhaliyeen ayaa lasoo bandhigay, waxaana ku jira lix ciyaartoy oo kasoo dheelay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo qaarkood markii dambe u gudbeen waddanka Spain oo ay kasii wateen wacdarahooda goolasha.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa kaalinta koowaad ku jira, waxaanu booska ka cidhiidhsaday Cristiano Ronaldo oo tirada goolasha ay dhaliyeen isku dhow yihiin, laakiin kulamada ay ciyaareen kala badan yihiin.

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa afar ciyaartoy ku yeelatay liiska, waxaanay nasiib u yeelatay in laacibiin wacdaro kasoo dhigay meelo kale ay waqti xirfaddoodu sarrayso tagaan Parc des Prince. Zlatan Ibrahimovic, Edinson Cavani, Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa dhamaantood liiska 10ka ciyaartoy ee qarniga 21aad ugu gool dhalinta sarreeya ku jira.

Qiimayntan oo la isku eegayo kulamada uu ciyaartoygu saftay iyo goolasha uu dhaliyey, waxa ugu horreeya Lionel Messi oo 726 kulan oo uu saftay ku dhaliyey 630 gool, taas oo ka dhigan in ciyaar walba uu dhaliyey 0.87 gool. Rikoodhkan cajiib ah, waxa  uu muujinayaa in Messi uu ciyaar walba ku dhowaaday inuu hal gool dhaliyo.

Cristiano Ronaldo oo 812 ciyaarood u saftay naadiyadii kala duwanaa ee uu usoo ciyaaray ee Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid iyo Juventus, ayaa dhaliiyey 626 gool, waxaanu ciyaar walba soo dhaliyey celcelis ahaan 0.77.

Liiska 10ka ciyaartoy ee ugu gool-dhalinta wanaagsan qarniga 21aad waa sidan:

10. Ruud Van Nistelrooy – 236 gool, 391 ciyaarood (0.60)

9. Edinson Cavani – 341 gool, 556 ciyaarood (0.61)

8. Zlatan Ibrahimovic – 361 gool, 586 ciyaarood (0.62)

7. Harry Kane – 183 gool, 289 ciyaarood (0.63)

6. Kylian Mbappe – 117 gool, 180 ciyaarood (0.65)

5. Neymar – 174 gool, 266 ciyaarood (0.65)

4. Luis Suarez – 277 gool, 411 ciyaarood (0.67)

3. Robert Lewandowski – 345 gool, 472 ciyaarood (0.73)

2. Cristiano Ronaldo – 626 gool, 812 ciyaarood (0.77)

1. Lionel Messi – 630 gool, 726 ciyaarood (0.87)

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII