Zlatan Ibrahimović Oo Instagram-ka Ku Soo Bandhigay Sida Uu Ugu Faraxsan Yahay U Soo Bixitaanka Sweden Ee Koobka Adduunka

Xiddiga kooxda Man United iyo Halyeeyga Sweden ee Zlatan Ibrahimović ayaa ka hadlay u soo bixitaankii uu xulka qarankiisu u soo baxay koobka adduunka.

Sweden ayaa xulka Italy markii 3-aad ka reebtay koobka addiinka kadib markii ay lugtii 2-aad bar-baro 0/0 ah la galeen kulan ka dhacay garoonka San Siro.

Guul 1/0 ah oo ay lugtii hore ee play offs-ka ka gaareen ayaa Sweden ka caawisay in ay u soo baxaan koobka adduunka markii 11-aad ee taariikhdooda.

Zlatan Ibrahimović ayaa bogiisa Instargam-ka ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu xulka qarankiisa Sweden u soo boxo koobka adduunka.

Zlatan Ibrahimović oo arintaas ka hadlaya ayaa bogiisa Instagram-ka soo dhigay” Anagu waxa aanu nahay Sweden, taasina waa arin fiican” waxana uu sii raaciyay sawirkiisa”.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII