Yaa ka dambeeyay weerarkii Zoobe? Halkee Ayuu Kasoo Baxay Gaariga? Miyaa La Fududeeyay?… Wax badan Ogow (qormo muhiim ah)

• CIDNA MA SHEEGAN

Weerarkii lagu hoobtay ee ka dhacay Zoobe ayaa su’aalo badan leeska weydiinayaa.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay in weerarkaas ay ka dambeeyeen

Waana markii ugu horeeysay ee kooxaha ka dagaalama Somaliya ay ka aamuseen mashaqadii ka dhacay Muqdisho

• XOGTA GAARIGA ISQARXIYAY

Gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa isku qarxiyay goob zaxmad badan oo markii dambe ay ku nafwaayeen 303 qofood oo shacab ah

Gaarigan ayaa sida laga soo xigtay saraakiisha Somaliya waxa uu ka yimid degmada Afgooye oo in muddo ah diyaarintiisa ay ka socotay.

• NOOCA GAARIGA

Nooca gaariga waa TM, waxaana la aqoonsaday nambarkiisa, mana ahayn gaari cusub oo dhowaan la gatay ee wuxuu ahaa gaari qofkii lahaa laga gatay

Gaariga wuxuu waday raashin, balse raashinka qeybta kore oo kaliya ayey ka muuqanayeen. Maro ama bac gaduudan ayaana kor ka saarneeyd inta uusan qarxin

• WAX FARSAMO AH MIYEY JIRTAY?

Wax taatiko ah ama farsamo gaarigan looma adeegsan, waayo goob shacab ah ayuu marayay kadibna wadada dhexdeeda ayuu isku qarxiyay

Taatikooyinkii hore waxey ahayd in gaari yar marka uu qarxo kadibna mid kale oo weyn uu dhaco balse midkaan waxaad moodaa in wax dhib ah aanba loo marin

• SIRDOONKA MAREYNKA OO YAABAN

Sirdoonka Mareykanka ee ku sugan Xalane oo kaashanaya kuwa Somalida iyo Amisom ayaa laga soo xigtay in ay la yaaban yihiin hal arin.

Arintaas oo ah in gaari weyn oo muuqda oo gawaarida kale laga aqoonsan karo uu 20 jigboonti (xarumo ciidan) iska soo dhexmaro kadibna isqarxiyo

• SU’AALO LOO WAAYAY JAWAABO

Saraakiisha Mareykanka ayaa keenay su’aalo jawaab loo waayay, Waxaa kamid ah su’aalahooda….

Miyaa la waayay hal meel oo gaarigaas inta la istaajiyay kadibna wuxuu waday la baaray?

• Miyaa La Fududeeyay Weerarkii Zoobe?

Afgooye iyo Muqdisho waa 30 KM, waa masaafo dheer. Ok kaba soo qaad gaariga wuxuu soo gaaray Ex-kontorool Afgooye

Inta u dhaxeeysa Zoobe iyo Ex Kontorool Afgooye waxaa ku yaala dhoor xarumo ciidan oo ay iska leeyihiin kuwa Amisom iyo dowladda, mana dhicin meel lagu istaajiyay

Waxaa la rumeysan yahay in weerarkan ay fududeyeen saraakiil ciidan lakin ma ahan wax la hubo

• FEEJIGNAAN DHEERAAD AH MA JIRIN

“Hadii feejignaan iyo firfircooni ah dheeraad ah ay jiri lahayd weerarkan waala fashilin karay” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo u hadlay The Guardian

Askari Somali 3 xidigle ah oo la hadlay VOA qeybta afka qalaad ayaa sheegay in weerarkan si dhib yar looga hortagi karay, hase ahaatee wada shaqeyn la’aan ayey wax walba ku dhaceen

• 2 ILAA 3 BILOOD

Weerarada waaweyn ee caasimada ka dhaca ayaa diyaarintiisa waxey qaadataa inka badan 2 ilaa 3 bilood

Waxaa laga yaabaa in 3 weerar oo waaweyn la qorsheeyo 6 bilood waa sida uu leeyahay sarkaal mareykan ah oo la hadlay The Guardian

Hadii weerarkii 14 October uu si fudud u dhacay, waxaa laga cabsi qabaa in weeraro kale oo iyaga la fudud ay dhacaan, madama habacsanaan ay muuqato

• GOBOLADA LAGU QORSHEEYO WEERARADA HALISTA AH

In la ogaado meelaha laga soo maleegayo weeraradan ayaa adag balse afka waa laga sheegi karaa.

Micnaha waxaa loola jeedaa Weerarada halista ah badanaa waxaa laga soo maleegaa Gobolada Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool, Juba Dhexe, Gedo iyo Shabeelaha Dhexe.

• HALAAGII DHACAY

Musiibadii ka dhacday Muqdisho ayaa caruur badan agoomo ka dhigtay, dumar badan asaay u saartay, qoysas badan murugo galisay. Walina tacsi ayaa guri walba taala

Qormadaan hadii aad aqrisay maxaa kaaga baxay? Xalka muxuu ku jiraa adiga ahaan? ✍🏾👇🏾

Allaha u naxariisto inta geeriyooday, aan u duceeyno caawa waa jimcee

Waxaa qoray: Idiris Abdulkadir Mohamed

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII