XOG: Xukuumadda Kheyre oo Maamul Gobaleedyada ku Qancinaya Arrin muhiim u ah Heshiiskii Shiinaha

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku qancineysa Maamul goboleedyada inay taageeraan heshiiskii Kalluumeysiga ee shatiyada lagu siiyay Shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha, iyadoo heshiiskan uu shaki weyn dhaliyay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay kulan Muqdisho uga socday Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirada Kalluumeysiga dowlad goboleedyada.

Kulankan ayaa ujeedkiisa ahaa wada shaqeynta Wasaaradaha Kaluumeysiga heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo hannaanka looga faa’ideysan karo kheyraadka dalka, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda Kaluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kala hadashay Wasaaradaha dowlad goboleedyada sidii looga shaqeyn lahaa dhismaha guddiga Kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo samaynta suuqya kalluumaysi oo casri ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada in ay sii laba jibbaaraan wada shaqaynta si hannaan wadar oggol ah looga faa’iidaysto kalluumaysiga oo ka mid ah khayraadka dalka uu leeyahay.

Heshiiskii Kalluumeysiga ee dowladda Soomaaliya ay ugu saxiixday Shirkaddo Shiinees ah shatiyo la xiriira inay ka kalluumeysan karaan Xeebaha Soomaaliya ayaa walaac laga muujiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here