XOG: Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Siriq Lama Filaan Ah Udhigaya Dawlada Farmaajo Hogaamiyo

0

Dawlada Soomaaliy ayaa la kulmeysa Mucaaradyo kala duwan oo dhinacyo qaar lacago ku bixinayaan sidii ay ulegdi lahaayeen guuldaradeedana ka shaqeenayaan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynihii hore Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lacago badan ka helaya Imaaraat-ka Carabta.

Shariifka ayaa doonaya inuu la yimaado Falsafad uu Hogaanka ugu sareeya Dalka ku qabsan lahaa Doorashada dhaceysa 2021-ka.

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Dad ku dhaw Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegaya in Madaxweynihi Hore Ee uu Dhiil fiican la galay Dawlada Imaaraat-ka.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa usheegay warkii.com in ay jiraan Caqabado Heysta Shariifka isku soo mutaxida Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in nidaamka Afar beel iyo Barta uu saameyn ku yeelanayey awal Shariifka iyo Beesha uu kasoo jeedo,balse hadii ay Doorashada noqoto qof iyo cod waxaa booskaasi heli kara cida ugu jeebka buuran Siyaasiyiinta loolameysa.

Seddexda Mas’uul Ee Ugu sareysa Dalka ee Kala Ah Farmaajo,Kheyre iyo Maxamed Mursal ayaana warar aan helnay ay sheegayaan in 2021 marka la gaaro Doorashada ay is sharaxi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here