XOG & SAWIRRO Horu Dhac Ah: Fadeexad ka taagan Dekada Muqdisho iyo Maareeyaha Cusub oo shaqada loo diiday…

Shirkadda Turkiga ah ee gacanta ku heysa Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa xayiraad shaqo ku soo rogtay Maareeyaha cusub ee xukuumadda Soomaaliya u magacawday dekadda Muqdisho.

Sida aan kasoo xiganay shaqaalaha dekadda, wakiilka shirkadda Albayrak ee Dekadda Muqdisho ayaa hor istaagay howshii Maareeyaha cusub ee dekadda Axmed Maxamed Washington.

Shirkadda Albayrak ayaa ku doodeysa in Maareeyaha dekadda aanu wax awood lahayn oo si toos ah ula shaqeynayo madaxa shirkadda ee dekadda, taasoo ay hore ugu soo dhaqmeysay intii ay la wareegtay maamulka dekadda Muqdisho.

Arrintan wax cusub ku noqotay maamulka cusub ee dekadda ayaa la ogeysiiyay R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo booqday, waxaana wararku sheegayaan in maamulaha shirkadda Albeyrak lala sugayo xaaladdan.

Shirkadda Albayrak ee gacanta ku heysa dekadda Muqdisho ayaa la sheegay inay la wareegtay dhammaan shaqaalihii dekadda iyadoo Maareeyihii horena uu ahaa gacan-yare la shaqeeya shirkadda, waxaana hadda xaaladda ku soo baraarugay xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII