XOG: R.W. Kheyre oo dalka ka Tagaya Todobaadka soo socda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Todobaadka soo socota u kicitimaya magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu waday in shirkan uu ka qeyb galo markii u horeysay isagoo Madaxweyne ah, ayaa uga baaqday sababo aan la shaacin.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalinta Axada ee soo socota uu u duuli doono magaalada New York.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey uu ka jeediyo khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo is bedeladii dalka ka dhacay horaantii sanadkan, kaddib doorashadii Madaxweynaha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay New York kaga qeyb galaya shirar gaar gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhinac furmaya shirka Golaha guud, waxaa uu kaloo la kulmi doona Madaxda kala duwan.

Ugu dambeyn shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa looga hadli arrimaha ka taagan caalamka, arrinta qatarta Waqooyiga Kuuriya ee tijaabinta gantaalada iyo arrimo kale.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII