XOG: Qorshe Shabaab lagu Raadinay oo Muqdisho ka bilowday

Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambalooshe) ayaa dajiyay qorshe looga hortagayo dilalka qorsheysan oo Dagaalyahanada Al shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Wakaalada Warkii.com ayaa ogaatay in Sambalooshe uu kulan Albaabada u xiran yihiin la yeeshay Taliyeyaasha Nabad sugida degmooyinka Gobolka Banaadir, wuxuuna u sheegay in degmo walbo ay sameysato ciidamo aad u badan oo dhar cad ah kuwaas oo aan ka fogaaneyn agagaarka Laamiyada si ay u daba kacaan dadkii ay ka shakiyaan ka dibna kor lagala socdo dhaq dhaqaaqa ay wadaan.

Sidoo kale Ciidamadan dhar cad ka ah ayaa si weyn kaga duwan kuwii hore ee magaalada uga shaqeyn jiray sida qarsoodiga ah, waxayna si gaara ula sheekeysanayaan dadka ku qaxweeya meelaha fadhi ku dirirada, iyadoon aan la shakineyn laakiin waxay la soconayaan dhaq dhaqaaq kasta oo ay ka shakiyaan.

Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa si weyn u canaantay taliyeyaasha Nabad sugida, maadaama magaalada Muqdisho maalmahaan ay ka dhaceen dilal qorsheysan.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII