XOG: MD Farmaajo oo bilaabay arin sababi karto dagaal sokeeye iyo qabiilada waa weyn oo

0

Warar lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa shegaayo in habeenadii ugu danbeyse madaxweynaha waday kulamo gooni gooni ah.

Kulamada gooni goonida ah ayaa madaxweynaha la qaadanaaye xildhibaanada asaga tageersan iyo odayaal dhaqameedyada dalka kuwooda ugu magaca dheer.

Xogta ayaa sheegeyso in madaxweynaha oo damacsanyahay in oo sameysto xil kordhin mudo sadax sano ah kasoo ku micneeyay in oo soo afjari doono dagaalada oo kula jiro kooxda Al -shabaab.

Farmaajo ayaa usheegay odayaasha dhaqanka iyo xildhibaanadooda in muhiim u tahay in mudo xileedkiisa loo kordhiyo madaama dagaalo kula jiro kooxda al shabaab oo dhibaato xoogan ku ah dowladnimada soomaaliya.

Xogta ayaa raacineyso in madaxweynaha aan weli la kulmin beelaha waa weyn ee kasoo jeedo Hawiye iyo Darood madaama u badanyihiin xildhibaanadooda kuwa safka hore oga jiro mucaaradka.

Isku soo wada duub lama oga sida u aqbali donaan xildhibaanada mucaaradka iyo xisbiyada siyaasada oo haatan sugi la’ doorashada soo socoto wallow ay ka harsantahay 20 bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here