XOG: Maxaa iska badalay canshuurta Qaadka iyo qiimaha lagu kala iibsado Muqdisho iyadoo Jowhar…

Qiimaha la iibiyo QAADKA ayaa hoos u dhac ku yimid, sida ay daaha ka qaadeen ganacsato la hadashay Caasimadda Online.

Sida la ogsoon yahay waxaa jira khilaaf u dhexeeya ganacsatada QAADKA iyo dowladda iyadoo ganacsatadu ay ka cabaadayaan qiimaha sarre ee canshuurta ah ee lagu soo rogay.

Taasi waxay keentay inay ka wareegsadaan Aadan Cadde International Airport, iyadoo maanta oo Shalay oo Khamiis aheyd QAADKA la keenay Mogadishu kasoo degay Jowhar, halkaasoo gawaari looga soo daabulay.

Sababta ka dambeysa inay u wareegeen Jowhar ayaa waxaa lagu sheegay canshuurta halkaas oo hooseysa… Tusaale ahaan, halkii Xamar 15 dollars laga canshuuri jiray QUNBULADDA JAADKA ah, Jowhar waxaa la canshuurayaa 3 dollars oo keliya, sida ay daaha ka qaadeen ganacsato qaadka.

Shalay QAADKA yimid Mogadishu wuu soo daahay, sidoo kale hoos u dhac ayaa ku yimid qiimaha la iibiyo. Marduufkiisa markii hore ee uu Xamar kazoo degi jiray wuxuu ahaa 20 dollars, halka shalay la iibinayey 14 illaa 15 dollars.

Si kastaba ha ahaatee, ilo wareed nala hadlay ayaa daaha ka qaaday inay shaki weyn ka qabaan inuu QAADKU berri oo Jimco ah kasoo degi karo Jowhar, maadaama dowladda hoose ee Mogadishu iyo ganacsatada ay weli wadahadallo u socdaan.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII