XOG HOOSE: Kheyre awood ma u adeegsan karaa Roobow ?

0

Ra’iisul wasaare Kheyre waxaa lagu tilmaamaa nin aad u madax adag ,waxaana lagu soo waramaya inuu doonaayo inuu awood u adeegsado xal u helida arrinta Mukhtaar Roobow.

Warar hoose oo ay heshay shabakada warkii ayaa lagu sheegay in Kheyre uu doonaayo inuu kordhiyo ciidamada uu u diray Baydhabo kadibna lasoo xiro Roobow.

Villa Soomaaliya waxey aaminsan tahay in hadii sidaan lagu qabto doorashada Koonfur Galbeed, inuu ku guuleysan doono Roobow, waana sababta ay dhowr jeer dib ugu dhigeen doorashada.

Arrinta uu doonaayo Kheyre ayaa buuq ka dhex abuurtay Baydhabo, waxaana mid ka mid ah xildhibaanada Dowlada dhexe ee ku sugan Baydhabo oo diiday inaan magaciisa xigano uu noo xaqiijiyay in Digil iyo Mirifle ay diyaar u yihiin iney difaacaan Roobow.

“Waxaa dhici kara dagaal ahli ah, anagu hada ma joogno xiligii Hawiye iyo Daarood ay gumeysan jireen Raxanweyn, waxaan filaya in meshaan ay ceeb weyn ka dhici doonto hadii Kheyre isku dayo inuu awood u adeegsado Roobow, waa inuu fahma goobta la joogo ayuu yiri xildhibaankan.

Xaalada doorashada Koonfur Galbeed ayaa noqotay mid aad u wajiyo badan, waxaana isha lagu wada haya isku dayga Xasan Kheyre oo u muuqda nin qar iska tuur ah, laakiin Digil iyo Mirifle waxey isku raacsan yihiin in aan awood loo adeegsan karin Roobow.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here