XOG: Farmaajo oo Diidan in Mukhtaar Roobow la sii daayo & Odayaal u Hanjabay Madaxweynaha

0

Warar hoose oo ay heleyso Shabakada Warkii.com ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu albaabka ka xirtay Odayaasha iyo Waxgaradka Koofur Galbeed ee u doodayay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha uu fulin dhowr balan uu ka qaaday Odayaashan oo magaalada Muqdisho ka wada dadaalo ay ku sii deynayaan Abuu Mansuur.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Madaxda Dalka ay diyaar u yihiin inay sii daayaan Mukhtaar Roobow laakiin wuxuu sheegay in Wadaadka uu ogolaan la’yahay Shuruudo ay Dowlada duldhigtay in xabsiga laga sii daayo.

Haduu uu ku adkeysto Roobow inuusan ogolaan Shuruudaha Dowlada wadato Madaxweyne Farmaajo ayaa amray in xabsiga lagu sii haayo.

Odayaasha Koofur Galbeed oo dhowr jeer la kulmay Madaxweynaha balse ka carooday inuu qaabili waayay Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa Shir jaraa’id ay qabteen waxay si cad ugu sheegeen in Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu u xiran yahay Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana Dowlada ay tixgelin weysay dalabka Bulshada reer Koofur Galbeedm iyagoo ku hanjabay in Madaxweynaha uu dalka ku celiyo 1991 xiligaas oo dagaalo sokeeya dalka ay ka bilowdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here