XOG: Farmaajo iyo Kheyre Midkee Faragalin ku haya Khilaafka Galmudug?..

0

Sarkaal ka tirsan masuuiyiinta sida gaarka ah ugu dhow Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in shaqsiga faragalinta ku haya Siyaasadda iyo arrimaha Galmudug uu yahay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxaa saacadihii ugu dambeeyay sii xumaaday Khilaafka Madaxda Galmudug, iyadoo maalin kasta masuul xilka laga qaadayo waxaana shalay ugu dambeeyay go’aan kasoo baxay Xildhibaano ku shiray Cadaado oo sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, balse isaga wuxuu sheegay in xildhibaanadaasi aysan xilka ka qaadi karin.

Sarkaalka ayaa inoo sheegay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya laga fara galiyo Maamulka Galmudug, isagoo adeegsanaya Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo isna xildhibaano kale ay sheegeen inay xilka ka qaadeen walow uu isagana diiday.

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya Xildhibaano ka tirsan Galmudug,iyaga oo uga doodi doona mooshin ay ka gudbiyeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo laga yaabo inay sheegaan in xilka ay ka qaadeen.

Xidhibaanada ayaa shalay waxa ay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed u gudbiyeen mooshinkaas,isaga oo sheegay inuu yahay ansax,isla markaana doodiisa ay bilaaban doonto.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here