XOG DAAWO: Yaa lagu dilay Qaraxa Baabuur ee Saaka ka dhacay Muqdisho…

0

Gaari nooca raaxadda ah oo maraayay degmada Boondheere, gaar ahaan Agagaarka Wasaaraddii hore Amniga ayaa saaka qarxay xilli ay saarnaayeen 3 ruux.

Gaariga la qarxiyay waxaa watay mid kamid ah shaqaalaha wasaarada Diinta & Awqaafta ee Xukuumada Soomaaliya waxaana la xaqiijiyay in uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi sidoo kalana waxaa dhaawac uusoo gaaray haween gaariga la saarnaa.

Xiliga qaraxa uu dhacayay waxaa ay marayeen meel aan ka fogeyn taalada Dal-jirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho waxaana ay kusii wajahnaayeen garoonka Aadan Cadde Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan kala xeran waxaana marwalba ka dhaca falal lid ku ah amaanka sida dilal qorsheysan qaraxyo iyo afduub.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here