XOG CUSUB: Puntland & Galmudug oo ay wada hadalo nabdeed uga furmayaan magaalada Gaalkacyo

Maamulada Puntland & Galmudug ayay berri uga furmayaan magaalada Gaalkacyo wada xaajoodyo  ku saabsan xaaladda nabadda ee gobalka mudug iyo taabagalinta heshiisyadii ay horey u gaareen labada dhinac ee ay garwadeenka ka ahaayeen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland iyo Wasiiro ka soo jeeda gobalka Mudug ayaa wada hadaladan u matali doona dhinaca Puntland, waxayna ka hor shir laqaadan doonaan Odayaasha iyo waxgaradka gobalka Mudug ee dhinaca Waqooyiga.

Odayaasha & Wafdiga Puntland waxay isla soo qaadi doonaan xaaladda gobalka, gaar ahaana dhacdooyin lagu dilay in ka badan 10 qof oo ka soo jeeda dhinaca Waqooyiga ayna dil u geysteen maleeshiyaad kasoo talaabay dhinaca Koonfurta ee magaalada Gaalkacy.

Dawladda Puntland ayaa shalay sheegtay in ay diyaar u tahay nabad iyo daganaansho ay ugu baaqayso deriskeeda ayna geed kasta u fariisan doonto sidii meelmar looga dhigi lahaa nabaddan waxayna ugu yeertay dhinaca kale ee Galmudug in ay sidaas oo kale yeelaan.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Carabey ayaa ku sii jeeda Gaalkacyo, halkaas oo ay u tagi doonaan dhaqangalinta qodobadii ay labada dhinac horey ugu heshiiyeen magaaladas, taas oo ka socon weyday dhinaca Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!