XOG CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo si lama filaan ah uga laabtay Qorshe uu Indha Cadde Xil ugu magacaabi lahaa (SABAB)

Dadaalo la doonayay in xil loogu magacaabo Sh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa guuldaro ku dhamaaday kadib markii arintaas ay diiday madaxtooyadda Villa Somalia.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa diiday qorshe ahaa in Janaraal Indha Cadde xil loogu magacaabo taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, si uu uga qeyb qaato hub ka dhigista Muqdisho iyo dagaaladda ka dhanka ah AlShabaab

Odayaal iyo waxgarad Madaxweynaha utagay ayaa doonayay in xil loo magacaabo Yuusuf Indha Cadde, maadaama hubka beeshaas ee uu isago inta badan gacanta ku hayo

Yuusuf Indha Cadde oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii hore ayaa iminka u muuqanaaya mid aan la dhacsaneyn dowlada hadda jirta, kadib markii uu meesha ka baxay ballanqaadyadii uu horay ugu sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Odayaasha Beesha Habar-Gidir, gaar ahaan Beesha uu kasoo jeedo Yuusuf Indha Cadde ayaa iyaguna la xaqiijiyay inay ku guul daresyteen  in Indha Cadde uu kasoo dhexmuuqdo dowlada uu horboodaayo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa wali wada dadaalo uu xilal kale ku magacaabayo, waxaana soo baxaya in Indha Cadde uusan wax boos ah ka heli doonin.

Sidoo kale, Beesha Habar Gidir ayaa xusul duub ugu jira kasoo dhexmuuqashada xilalka harsan ee aan weli isbedelka lagu sameyn sida Garsoorka iyo xilal kale, walow aan la saadaalin karin inay heli doonaan iyo inkale.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII