XOG CUSUB: Madaxweyne Farmaajo Miyuu Madaxii Amniyaadka Shabaab u magacaabay Taliyaha Sirdoonka (Magaciisa)

Waxaa si weyn usii xoogeysatay xogta sheegeysa in Zakariye Ismaaciil Xirsi oo horey u  noqday Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab loo magacaabay Taliyaha Qeybta Sirdoonka ee Hey’adda Nabasugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaa baraha Bulshada lagu arkayey iyadoo lagu faafinayo warkaan sheegayo in Zakariye loo magacaabay xilkaan aadka u culus.

Sidoo kale warkaan waxaa xaqiijinayo illo wareedyo kala duwan, waxaana xusid mudan inuu xilkaas horey u hayey nin magaciisa lagu soo koobay Cabdifataax, waxaana hadda kadib xilkaas ku wareegay Zakariye sida ay xogta sheegeyso.

Magacaabistaan ayaa la sheegay inay aheyd mid u dhacday qaab hoose oo qarsoodi ah, mana la garan karo sababta sidaas keentay, ilaa haddana dowladda Soomaaliya si rasmi ah uma shaacin.

Taliska Qeybta Sirdoonka ee Hey’adda NISA ayaa waxaa hoos-taga Hoggaanka Baarista, Hoggaanka Macluumaanka iyo Hoggaanka Gobolada.

Zakariye Ismaaciil  ayaa sanado ka hor isku soo dhiibay dowladda Federaalka, wuxuu ahaa sarkaalkii ugu heerka sareeyayee Al-Shabaab ka soo goosta ee isu dhiiba dowladda, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka loogu doon doonista badnaa Adduunka, isagoo madaxiisa uu Mareykanka dul saaray lacag dhan 3-milyan, balse markii dambe laga saaray liiskaas, markii uu ka baxay Ururka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya weli magacaabistaan si rasmi ah uguma dhawaaqin, waxaana macquul ah inay dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!