XOG: Ammaanka Wasaaradda Amniga DF Oo La Adkeeyay & Al-Shabaab Oo Weerar Qaraxyo Ah La Damacsan

0

Warar hoose oo Shabakada Warkii.Com aan heleyno ayaa sheegaya in cabsi ay ka jirto weerar Qaraxyo iyo mid toos ah iney Al-Shabaab ka fuliyaan Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya oo ku taalo magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi Faarax oo ka mid ah Sarkaal ka tirsan Wasaaradda amniga ayaa si hoose inoogu sheegay inuu jiraan wararka sheegaya iney Al-Shabaab damacsan yihiin weerar Qaraxyo oo ay ku qaadaan Wasaaradda amniga,islamarkaana labo gaari oo Qaraxyo ay ka buuxaan soo geliyeen magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka ayaa ku daba jira Gawaaridaasi Qaraxyada ah laguna wargeliyay Ciidanka amniga iney baadi goobaan gaadiidkaasi si aysan yoolkooda u gaarin.

Cabdullaahi Faarax ayaa sheegay in dhagarta ay Al-Shabaab soo maleegeen kaliya ku koobneyn xarumaha Dowladda balse ay jiraan iney qarxiyaan goobo kale oo dadka ay isugu yimaadaan.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Ciidan Xoog badan ayaan awoodin iney ka hortagaan am aka daba tagaan Qaraxyada Al-Shabaab,sababo la xiriira mushaar la’aan iyo waliba niyadooda oo aan wanaagsaneyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhowr ah oo isugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah ka fuliyay magaalada Muqdisho,kuwaasi oo ay ku qaadeen xarumaha Dowladda iyo goobo kale oo si gaar ah loo leeyahay.

Bishii Luulyo 7-deeda 2018,ayay ahayd markii Al-Shabaab weerar Qaraxyo ah ku qaadeen xerada Oto Oto oo xarun u ahayd wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here