XOG: Al-shabaab Oo Qafaashay Lix Gaadiid Oo Nooca TM-ka Ah Iyo Qaraxyo La Baqayo Iney..

Warar si hoose ay u heshay wakaaladda wararka ee Warkii.com ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyada Al-shabaab ay gobolka Galgaduud ka qafaasheen Lix gaari oo nooca TM-ka ah.

Gaadiidkan ayaa la sheegay in darwalladii wadayey ay xoog uga dejiyeen, iyaga oo u sheegay in gaadiidkaasi loogu adeegay DFS, sidaasina ay iyaga ku qaadanayaan.

Cabsi badan ayaa hadda jirta, sababtoo ah, waxaa laga baqayaa in Al-shabaab ay gaadiidkaasi u adeegsadaan qaraxyada.

Gaarigii lagu qarxiyey Isgoyska Zoobe ayaa ahaa TM (Tii-em) wixii markaasi ka dambeeyay waxay AL-shabaab bilaabeen in gaadiidkaasi ay uruursadaan.

Milkiilayaasha qaar ee gaadiidkaan ayaa inoo sheegay in hadda ay isku dayeen in waanwaan lagu soo qaado, balse aanay muuqan rajo wanaagsan.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII