Xildhibaan Kashifay Sababta Baarlamaanka ugu yeereen Maanta Wasiir Yuusuf Garaad

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta lagu waddaa in uu hortago Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay sababta Wasiirka loogu yeeray inay tahay kaliya arrimo ku aadan wax ka waydiinta shaqada Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Fariinta waxa ay nagu soo gaartay in Wasiirka arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar uu hor imaanayo Baarlamaanka, Xildhibaanadana ay wax ka weydiinayaan arrimo ku saabsan shaqada Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Xildhibaan Dalxa ayaa la waydiiyay su’aal ku aadan jiritaanka warar la isla dhexmaraayay oo ku saabsan in Mooshin laga keenay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa wuxuu ku jawaabay in dadka si qaldan ay u fahmeen Mooshin, Wasiirkana aanan laga keenin Mooshin.

salaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah ... 
hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII