XASAASI: Jawaari oo hadal kooban jeediyay Kadib Guushii uu gaaray – Waase maxay qorshihiisa?

Gudoomiyaha cusub ee barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa la hadlay xildhibaanada isagoo uga mahadceliyay iney ucodeeyeen.

Jawaari ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay guusha uu gaaray, laakiin uu tartan xoogan usoo galay inuu booskan soo ceshto maadaama uu Xildhibaan Xidig si weyn ugu dhawaa.

Gudoomiyaha cusub ayaa tilmaamay inu umahadcelinayo xildhibaanadii la tartamay, ayna si wada jir ah barlamaanka ugu shaqeyn doonaan.

Dhanka kale Jawaari ayaa ubalan qaaday shacabka Soomaaliyeed inuu rabitaankooda ku shaqeyn doono sanadaha soo socda oo uu isbadal weyn sameyn doono.

Hadalka Jawaari ayaa laga dheehan karay inuusan dooneyn inuu la safto musharax aan ahayn madaxweynaha haatan Xasan Sh Maxamuud.

Si kastaba, Jawaari ayaa helay 142 cod halka Xidig oo kusoo xigay uu helay 97 cod sidaas ayaana keentay inaan loo baahnaan in wareeg kale loo gudbo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!