XASAASI: Halis ku soo wajahan Shariif Xasan iyo Shirar kaladuwan oo hadda Socda

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulan looga soo horjeedo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan kaas oo ay ka qeyb galayaan Xildhibaano ka tirsan Dowlada dhexe, Siyaasiyiin iyo wax garad Seddaxda Gobolka ka soo jeeda.

Shirka ayaa ka socda Mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho, waxaana lagu go’aamin doonaa sida laga yeelayo Shariif Xasan oo lagu eedeeyo ku tagri fal awoodeed, waxqabad la’aan, iyo ka hor imaanshiyaha dastuurka ama nidaamka u degsan Maamul Goboleedka Koonfur galbeel.

Warar ayaa sheegaya in Xildhibaanada Maamulka Koonfur galbeed oo dabada ay ka riixayaan Siyaasiyiin iyo Xildhibaano Dowladda dhexe ka tirsan in ay doonayaan in ay xil ka qaadis ku sameeyaan Shariif Xasan.

16-ka bishan ayaa lagu wadaa in uu Magaalada Baydhabo ka furmo Kalfadhiga Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyadoona la doonayo in Codka kalsoonida loo qaado Madaxweynaha Maamulkaas sidaana ay xilka uga qaadaan Xubnaha Xildhibaanada.

Dad badan oo siyaasiyiin ah ay aaminsan in uu yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed shakhsi aan si fudud lagu loodin karin oo leh siyaasad gun adag balse lama oga sida ay wax isku bedeli doonaan

 

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII