Wasiir Juxa oo shaqo muhiim ah ka dhex bilaabaya Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo…

Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya C/faarax Siciid Juxa,ayaa sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ay Gobolada dalka Soomaaliya sidaan oo kale ay Shir dib u heshiisiin ah ku qabaneyso silamid ah kan shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay ka Wasaarad ahaan ay kaalin weyn ka qaadan doonaan dib u heshiisinta Beelaha dhexdooda ah islamarkaana ay aad uga xun yihiin meelaha qaar oo ay ka dhacayaan dagaal beeleedyada.

Waxa uu ku tilaamay shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho ee ahaa Shirweynaha Qran ee dib u heshiisinta mid Albaab Cusub u furayay shacabka Soomaaliyeed in ay isdhex galaan.

Hadalkaan ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya waxa uu ka sheegay Munaasabad Casho sharaf ah oo xalay loo sameeyay Ergadii ka qeybgashay shirkii dib u heshisiinta iyo hanaanka Qaran ee muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.

One comment

  1. hhhhhhhh kkkkkk waa wax lagu Qoslo somaliya wali illaa xada wax dib u Heshiisiin ah kama dhicin Runtii shirarka lagu sheego dib u heshiisiin waa kuwo lacago lagu cuno oo iskugu yimaadaan dadkii dhibka iyo dhibaatada geystay iyo kuwo iyaga daba dhilif u ah oo iska she shekesta ka dibna Raadiyaasha ku sheegaan in la heshiiye shirarka lagu sheego dib u Heshiisiin malagu casuumo ama mala keeno Dhibanayaasho dhibka iyo dhibaatada badan Loo Geeysta waana la yaqaanaa ee lama Rabo hadabo khof ilaa xada Beertiisa la haysto Gurigiisa la haasto Qori lala Dul tagan yahay lona adegsado Tuutaha Dowlada kii ka Dacwon lahaa u dacwow la leeyahay Dib u heshiisiinta sidee ku imaneysaa? Dib u heshiisiin Run ah hala sameyo dhibanayaasha waa Beeraleyda iyo dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa ku soo diilay oona deegaanka ay ka soo jeedaana la yaqaano yaan laga lex lexanine. Runta hala abaaro sidoo kale qabaalilo oo xada xamar sheegtaan Qaarkoda ayaa dhul beero xoog ku hastaan somaliya run ma jirto lamana rabo ee Runta ayaa dadka Deeqdee runta Hala Raadiyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!