Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS oo amaro dul dhigtay Goobaha laga Cunteeyo.

0

Shiikh Maxamed Kheyrow Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay in la furo goobaha laga cuntooyo inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Radamaan.

Waxa uu sheegay in aanan wanaagsaneen, sidaa awgeedna Wasaaradda ay amartay in gacan adag lagu qabto dadka Cuntada bisil Maalinta Ramadaanka ka iibiyo dadka aanan Soomin.

Wasaaradda ayaa sidoo kale Maamul Goboleedyada u jeedisay in ay la dagaalamaan Dadka aanan Soomin ee aanan laheyn Cudur daar ay ku afuraan.

Shiikh Kheryow ayaa sheegay in si gaar ah ay Wasaaradda Diinta ay laamaha ammaanka fareyso in ay la dagaalamaan Walxaha Maanta Dooriya oo Dalka ka baxa.

Wasaaradaha Diinta Dalal Soomaaliya ay kamid tahay ayaa isku raacay in Maalinta Koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay tahay Khamiista oo Berri ah, sidaa awgeedna Maanta oo Arbaco ah la buuxinayo Bisha Shacbaa.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here