Warqad furan oo loo diray Superstar Sunny Deol iyo talooyinka taageerihiisa siiyay

0

Superstar Sunny Deol wuxuu galay da’da atoorayaasha fanka isaga baxaan ama door caawiye ama aabo ku matalaan haddana asigoo 61-jir ah ayuu filim walbo hogaamiye ka noqdaa waana arin naadir ah oo atoore kasto sameyn karin.

Haddaba Sunny Deol oo 35-sano ka badan fanka Hindiya ku jiro dhawaan waxaa tiyaatarada loo saaray filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se oo ay aabihiis Dharmendra iyo walaalkiis Bobby Deol la jileen laakiin filimkan wuxuu noqday mid gabi ahaanba daawadayaasha iska diideen.

Sidaa darteed warqad furan oo ka timid mid ka mid ah taageerayaasha Sunny Deol ayaa hadal xoogan baraha bulshada ka abuurtay ugu dambeyntiina shabakadaha caalamiga ah soo xigteen waxayna warqada u qorneyd sidaan:

Dear Mr Sunny Deol,

Warqadan qoraalkeeda waa mid qalbiga ka yimid laakiin waxaa ii muhiim ah inay adiga kusoo gaarto waayo waxaa ahayd mid ka mid ah atoorayaasha aan ugu jeclaa Bollywood-ka welina waa tahay.

Waxaan taageero kuu noqday 90-maadkii anigoo wiil yar ah waxaana kusoo hana qaaday sida aad dadka u mada daalin jirtay iyo sida aad tiyaatarada u qabsan jirtay ilaa heerkii ugu sareeyay aad gaartay markii Gadar – Ek Prem Katha uu noqday filim Hindiya oo dhan qabsaday kuna reebay tiyaatarada jaceyl aan dhamaad laheyn.

Doorkaagii Tara Singh ee filimka Gadar cidna ma hilmaami doonto aniga xitaa maantadan ayaan ku faanaa kartidaadii shaashada iyo awoodaadii cidna u dhawaan karin.

Dhawaan waxaan daawaday filimkaaga Yamla Pagla Deewana Phir Se oo markii hore goos gooskiisa ka yara helay waxaana islahaa waa filim fiican oo shactiro dhameestiran leh kana wanaagsan qaybtii hore Yamla Pagla Deewana 2.

Laakiin nasiib daro Yamla Pagla Deewana Phir Se wuxuuba kasii xumaaday sheeko ahaan qaybtiisii labaad Yamla Pagla Deewana 2 taasina waxaa caddeyn u ah sida filimkaaga daawadayaasha u diideen iyo xitaa in 10 Crore cimri ahaantiisa inuu gaaro ku adkaan doonto!

Dulucda Maqaalkan:

Mudane Sunny filimkaaga Yamla Pagla Deewana Phir Se ma ahan midka kowaad ee niyada iga jebiyo aniga iyo kumanaanka ku jecel sababtoo ah markii aad Gadar sameesay 2001 ilaa haatan waxaad sameesay 29-filim kuwaas oo 90% niyad jab laga qaaday daawashadooda sheeko ahaan iyo ganacsi ahaan.

Gadar marka laga soo tago filimada ganacsiga muuqdo sameeyeen lana daawan karo ee aad sameesay waa ndian, Maa Tujhe Salaam, The Hero: Love Story Of A Spy, Apne iyo Yamla Pagla Deewana, dhamaan inta kale waa kuwo Flop ah oo aan xitaa daawashadooda lagu raaxeesan karin.

Haddaba mudane 29-filim aad sameesay 17-sano ugu dambeesay 23-filim oo ka mid ah si xun ayay u guul dareesteen kaliya labo filim ayaa HIT dhameestiran noqdeen waana Indian iyo Yamla Pagla Deewana.

Waa iskoor aad u xun oo atoore kasto kasoo kaban karin laakiin adiga waxaa tahay Sunny Deol oo weli jaceyl xad dhaaf ah ayay dadka kuu qabaan madaama sumcad balaaran horey u sameesatay.

Awooda Sunny Deol Wey Muuqan Kartaa:

Waxaan daawaday 5 Feb 2016 filimkaadii Ghayal Once Again runtii tiyaatarka aad ayaa loo soo buux dhaafiyay dadkana wey wada sacabo tumeen weyna is taageen marka aad shaashada soo gashay wuxuuna ahaa filim hal mar la daawan karay weliba maalintiisa kowaadna keenay 7 Crore ganacsi gaarayo balse nasiib daro Ghayal wuxuu u guul dareestay in qof walbo la bar bar dhigay qaybtiisii kowaad Ghayal kaasi oo 1990 Blockbuster taariikhi ah noqday.

Sidaa darteed mudane weli dadka wey ku jecel yihiin awoodna waad leedahay laakiin adiga ayaa is dayacaayo madaama aadan sameynin aflaan tayo wanaagsan oo daawadayaashaada daacada kuu ah soo jiidan karaan.

Sanadkii hore filimkaadii Poster Boys sheeko ahaan wuu wanaagsanaa laakiin mashruuca si tayeysiin looma duubin xayeysiin balaaran looma sameynin taasina waxay sababtay in tiyaatarada uu ku fashilmay inkastoo filimkan TV-yada aad looga soo dhaweeyay oo ay qoysaska ka heleen waa astaan muujineyso in weli dadka ku jecel yihiin.

Codsi Sunny Deol Loo Diray:

Waxaan kaa codsan lahaa inaad is fur furtid lana shaqeesay shaqsiyaadka xiligan Bollywood-ka awooda ku leh iyo qoraayaasha sheekooyinka fiican diyaarin karaan sida Sajid-Farhad, Milap Zaveri iyo kuwo kale.

Waxaa tahay xidig weyn oo dadka jecel yihiin laakiin u baahan inuu sameeyo aflaan dadka kasban karaan waayo qof walbo niyada waxaa kaga jirto aflaantii Action-ka iyo qiirada badnaa ee aad sameyn jirtay 90-maadkii.

La shaqee Rohit Shetty, David Dhawan iyo filim sameeyayaasha aflaanta mada daalada dhameestiran sameyn karaan adigana kuu soo bandhigi karaan hab daawadayaashaada farxad galin karo.

Gunaanad:

Mudane Sunny wiilkaaga Karan Deol ayaad dhawaan soo caan bixineysaa waxaana haboon filimkiisa Paal Paal Dil Ke Paas inaad si fiican u tayeysid xayeysiin balaarana u sameysid si Karan bilaabasho fiican fanka kusoo galo waayo kama soo kaban karo fagta kowaad haddii soo dhaweyn fiican heli waayo.

Sidoo kale filimkaaga Bhaiaji Superhitt ee la daawanayo 19-ka bisha dambe October waxaan kaa codsan lahaa inaad dib u daawatid sidoo kalena si fiican loo tayeeyo kadibna loo sameeyo xayeysiin balaaran waayo xiligan la joogo jilaayaasha sida ay u kala xayeysiin badan yihiin ayay u kala saameyn badan yihiin lama joogo 90-maadkii marka atooraha uu gurigiisa iska joogi jiray kadibna filimkiisa marka tiyaatarka la saaro awoodiisa la ogaan jiray.

Waxaan rajeynaa warqadan inay kusoo gaarto sidoo kalena aad ka heshid dhiiri galin dibna aad usoo laba kacleysid, sidoo kale iga raali ahaaw mudane haddii ay ku jiraan warqadan qoraalo adigana ku dhaawacay.

Waxaana kuu soo qoray taageerahaaga aadka kuu jecel Fenil Seta.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here