SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyey Ee Qaraxa Ka Dhacay Isgoyska Taleex Ee Muqdisho,Mas’uulka La Beegsaday

0

Wararkii ugu dambeeyey Qaraxa Ka dhacay Degmada Hodan Ee Muqdisho,kaas oo lala eegtay Mas’uul katirsan Dawlada Soomaaliya.

Gaari uu la socday Mas’uulkaasi ayaana la sheegay in la weeraray xilli uu marayey Isgoyska Taleex afaafka hore Ee Bankiga Preimer Bank.

Gaariga ayaa la sheegay in uu dab ka kacay oo holac noqday waxaana la ogeyn Mas’uulkaasi magaciisa ilaa hadda iyo xilka uu hayey.

Ilaa Shan qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Qaraxaasi gaari Ee Maanta Casirkii ka dhacay Muqdisho.

NAGA FILO WARAR DHEERAAD AH INSHA ALLAAH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here