Wararkii ugu dambeeyey Dabkii caawa ka kacay meelo ka mid ah Suuqa Bakaaraha

Dab goor dhow oo caawa ah qabsaday qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa la soo sheegayaa in lagu guuleystay haatan in la demiyo.

Dabka ayaa qabsaday meelo ka mid ah qeybaha lagu iibiyo Maacuunta, cilaanka iyo nawaaxiga Suuqii Khaliifa ee ku gubtay dabkii todobaadyo ka hor ka kacay isla Suuqa Bakaaraha.

Gaadiidka dab demiska oo goobta gaaray ayaa wax yar ka hor ku guuleystay iney ka hortagaan dabkaas oo ku sii faafi rabay qeybaha kale suuqa, lamana oga illa hadda sababta kicisay dabkan iyo khasaaraha ka dhashay inkastoo wararku sheegayaan in hantida gubatay aysan aad u badneyn.

Todobaadyo ka hor ayey aheyd markii dab socday saacado badan uu baabi’iyey Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybtii Maacuunta, Suuqa loo yaqaano khaliifa oo ka koobnaa dukaamo iyo carwooyin ku dhow kontomeeyo iyo qeybo muhiim ah oo Suuqa ka tirsanaa.

Dabkaas oo kacay xili maalin ah ayaa waxaa ku naf waayey hal qof, qaar kalena wey ku dhaawacmeen dhowr kale, khasaare hantiyeed oo malaayiin dollar lagu qiyaasay ayuuna geystay dabkaas.

salaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah ... 
hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII