Wararkii ugu Dambeeyay Saldhigyo Al shabaab la Burburiyay iyo Toogasho lagu dilay Dagaalyahano

0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen meel howd ah oo u dhow deegaanka Kobon, iyagoona Burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen weeraro ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ay diyaariyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa looga dilay tiro Dagaalyahanada Al shabaab, waxayna kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha garabka laga tuuro ee 7-ka, sida ay sheegeen Saraakiisha horkaceysay Howlgalka.

Ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen waxay fashiliyeen oo ay soo saareen miinooyin ku dhow 20, kuwaasi oo la rabay in lagu dhibaateeyo dadka maatada ah.

Shalay oo ahayd Isniin ayey sidoo kale Ciidamadu waxay howlgallo ka sameeyeen isla aagga degmada Jamaame, dadkii ku sugnaa deegaanada ay ciidamadu shalay gaareen ee Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji ayaa si weyn usoo dhaweeyay, iyagoona siiyay Raashin iyo Dawo.

Dhaq dhaqaaqyada ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ka wadaan deegaanada hoostaga degmada Jamaame ayaa joog iyo jiifsi u diiday Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here