Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal aan waxba la isku reeban oo ka dhacay gobolka Bay

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka K/galbeed iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ciidamada K/galbeed ay weerar ku qaadeen deegaanno ku yaalla duleedka degmada Qansaxdheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Saddex qof, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Dagaalkan waxaa la xaqiijiyey inuu ku dhintey taliyahii ciidamada K/galbeed ee degmada Qansaxdheere Cismaan Macallin Xasan, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Xaaladda deegaannadii lagu dagaallamay saakay waa mid deggan, waxayna ciidanka K/galbeed kusoo laabteen degmada Qansax dheere.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII