Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Qarax Xooggan Oo Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Meel u dhow Nawaaxiga Xaawo taako ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay guud ahaan degmooyinka Gobalka Banaadir, iyadoona haatan la maqlayo rasaas ay ridayaan ciidamada amaanka ee dowladda soomaaliya.

Qarax ayaa ka dhacay Bar Kontorool oo ay ciidamada xoogga ay ku baaraan gaadiidka oo u dhow nawaaxiga Madxafka qaranka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here