War ka cusub ciidamada Mareykanka ee ka howlgali doona Somalia

Dowlada Ugandha ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhaweyneyso Saraakiisha iyo Ciidamada Mareykanka ee laga howlgalin doono Somalia, gaar ahaan magaaada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Dowlada Ugandha waxa ay sheegtay inay muhiim tahay in la arko ciidamo kasoo jeeda dalka Mareykanka oo Somalia ka dhex fulinaaya howlgalo, waxa ayna tilmaantay in howlgalka ciidamada Mareykanka uu waxbadan ka bedeli doono dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Afhayeenka ciidamada Uganda Richard Karemire ayaa talaabadaasi ku tilmaamay in ay tahay arin wanaagsan oo muujineyso talaabo horay uu u qaaday Maraykanka si buu yiri uu gacan uga gaysto howlgalka ka socdo dalka Somalia.

Richard Karemire, waxa uu sidoo kale sheegay in talaabada ay ciidamada Mareykanka uga howlgali doonaan Somalia ay dhiiro galin u noqon doonto dowlada Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee dhowrka sano ku dhex jira howlgalada lagula dagaalamaayo Al-shabaab.

Richard Karemire, ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka Saraakiisha iyo Ciidamada Mareykanka uu waxbadan ka bedeli doono hanaanka ay ku shaqeeyaan ciidamada dowlada Somalia iyo AMISOM.

Dhinaca kale, haddalka Richard Karemire, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay ballanqaaday inay ku shaqeyneyso ciidamada AMISOM si amniga uu u gaaro magaalada Muqdisho

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII