WAR HADA: Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu qabtay Diyaarad sida Hub culus Iyo Gaadiid aan Xabada karin..

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa lagu qabtay Diyaarad laga leeyahay Talyaaniga oo siday Hub iyo Gaadiid aan Xabaddu karin.

Waxaa lagu qabtay Diyaaradan oo ah Nooca Xamuulka Qaada Qalab isugu jira:-

2 Gaari oo aan Xabbadu karin.
2 Gaari oo ah Kuwa Dul Banaanka ah ee Ciidanka qaada.
Qoryaha Dashiikaha loo yaqaan oo aan la cayimin Tiradooda.
Qoryaha Boobayaasha ah ee Dabajeexa ay Soomaalidu u taqaan oo aan iyana la cayimin Tiradooda.
Qoryaha Fudud ee Ciidanku qaataan.
Sanaadiiq Bastooladdo ah.
Rasaas aad u fara badan.
Jaakadaha iyo Koofiyadaha aan Xabaddu karin iyo Qalab kale.

Maamulka Garoonka ayaa sheegay inaan lagu soo wargalin Qalabkan imaanshahooda, isla markaana ay taasi sii kordhisay Shakiga ah Qalabkan iyo halka loo waday. Waxaana hadda Garoonka ku sugan Saraakiil Ciidan oo Talyaani ah, iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Talyaaniga oo Dadaal ugu jira in Qalabkan lagu wareejiyo.

Talyaaniga ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya Ciidamo kooban oo lagu sheegay inay ka caawiyaan dhinaca Tababaradda Ciidanka Soomaaliya. Waxaana lagu arkaa Wadooyinka Muqdisho iyagoo wata Gaadiid Dagaal oo uu ka dul babanayo Calanka Talyaaniga

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII