WAR DEG DEG AH: Madaxweynaha Puntland oo maanta furaya Bandhig Caalami ah magaalada Garoowe & Amniga oo la adkeeyey

Madaxweynaha dawladda Puntlan Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa subaxnimada saaka ah 17 July 2017 ka daah-furaya magaalada Garoowe, Bandhig buugaageed Heer caalami ah oo sannadkii 3aad lagu qabanayo magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa lafilayaa in uu ka hadlo arrimo kala duwan oo ku saabsan Aqoonta iyo sidda loogu baahan yahay in ay bulshadu ka faa’iideysto arrimaha la xariira Buugaagta faraha badan ee lasoo bandhigayo.

Khabiiro iyo Qorayaal kala duwan ayaa jooga madashan maanta oo ay kusoo bandhigi doonaan buugag kala duan oo ay qoreen, waxaana sidaas oo kale la iibsan doonaan Buugagtan.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid noqon doona dadka soo bandhigaya buugagta ay qoreen, wuxuuna soo bandhigi doonaa Buug uu ka qoray shaqadii dawladda Soomaaliya xiligii uu ahaa Raysalwasaaraha Xukuumadii KMG ahayd ee dalka ka saartay marxaladii kala guurka ahayd.

Bandhigan Buugaagta ayaa socon doona maalmaha fooda nagu soo haya, waxayna dad badan iskaga yimaadeen gobalada Puntland si ay uga faa’iideystaan fursadan Bandhiga Buugagta ah oo sannadkiiba mar la qabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!