WAR DEG DEG AH: Addeega internet-ka ee ka maqnaa Koonfurta Somalia oo dib usoo laabtay lana Cilad bixiyay…

Waxaa goor dhow dib u soo laabtay Adeegii Internet-ka Fibre Optic oo muddo 22 cisho ka maqnaa Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay Adeega Internet-ka.

Internet-ka ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta sida Somtel, Hormuud iyo Global ayaa goor dhow dib ugu shaqeeyay dad badan oo uu ka maqnaa tan iyo 25-kii bishii hore.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkaddaha Isgaarsiinta ayaa xaqiijiyay inuu dib u soo laabtay Internet-ka 4G iyo Internet-ka kale ee guryaha la geliyo ee Fiilada ah.

Baraha bulshada ayaa dad badan waxay soo dhigeen Hambalyo ku aadan in Internet-kii uu dib u soo laabtay.

Markab ku howlanaa cilad bixinta iyo sameynta xargihii Fibre Optic ee go’ay ayaa la sheegay inuu xalay soo afjaray saddex maalmood oo uu ku howlanaa.

Habeenkii ay taariikhda ku beegneyd 24 June ayaa Internet-ka ka go’ay Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kaddib markii Markab ku soo xiranayay Dekeda la sheegay inuu jaray Xargihii Fibre Optic.

Mudadii 20-ka cisho ee uu go’naa Internetka waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo uu saameyn ballaaran ku yeeshay, ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada xawaaladeed ee dalka.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay goor dhow war ka soo saarto Internet-ka hawada dib ugu soo laabtay.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII