Wafdi ka socda Qatar oo Maanta soo gaaray Muqdisho.

0

Wafdi ka socda Wasaarada gaashandhiga dowlada Qatar ayaa maanta waxaa uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana hada ay kulamo la leeyihiin madaxda Wasaarada Gaashaandhiga iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ka socda Wasaarada Gaashaandhiga Qatar iyo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa ay ka wadahadlayaan Xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo Taageerada dowlada Qatar ay siiso dowlada Soomaaliya.

Kulanka ayaa hada waxaa uu ka soconayaa xarunta Wasaarada gaashandhiga Soomaaliya oo ku taala Degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Saraakiil ciidan iyo Agaasime qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Difaaca dalka Qadar iyo Taliska xoogga dalkaasi.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here