Wafdi ka socda D.Federaalka oo Xudur kulan kula leh Abuu Mansuur

Kaddib markii saaka Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ay degaanka Abal ee Gobolka Bakool ka wadeen Abuu Mansuur waxaa soo baxaya wafddi ka socda Dowladda Soomaaliya oo iyana gaaray Magaaladaas.

Wafddi uu hoggaaminayo Wasiirka gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya  C/Rashiid Cabdullahi Maxamed ayaa gaaray Magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wasiirka iyo Wafddigiisa ayaa la filayaa in ay kulan la qaataan Sh. Mukhtaar Roobow Cali oo saaka isku dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee jooga Gobolka Bakool.

Al-shabaab iyo Abuu Mansuur ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku dagaallamay degaanka Abal  oo 18km u jirta Magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolkaas.

Sidoo kale Magaalada Xuddur waxaa tagay Mas’uuliyiin ka mid ah Maamulka Koofur Galbeed oo uu ka mid yahay Wasiirka amniga maamulkaas iyo XIldhibaanno ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

salaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah ... 
hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII