Wadahadalka Siyaasada oo maanta bilaabanayo ka dib markii Fahad Yasin tagay Kismaanyo

0

Labadii maalin ee la soo dhaafay waxa uu Ra’iisal Wasaare Kheyre  ku mashquulsanaa kulamo iyo shirar aan wax qiimi  ah  lahaynin laakiin uu isagu u isticmaalyay wajiga hore ee  olalahiisa Musharaxanimad Jagada Madaxweynaha.

Hadaba kulanka siiyaasada ee rasmiga ahaa ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Kismaanyo maadaama uu halkaas tagay milkiilaha Dowlada Soomaaliya Fahad Yasin.

Kulanka maanta ka furmaya magaalada Kismaanyo ayaa daba socda kulan horay uu Fahad Yasin ugula soo yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya  Axamad Madoodbe kaas oo lagu heshiiyay in wajigiisa labaad  lagu qabto Magaalada Kismaanyo. Shirkaan ayaa ujeedada rasmiga salka ku hayo sidii Axmad Madoobe danahiisa loogu yeeli lahaa taas oo ay u horeeyso in aan la faragalin Doorashiida si isaga dib loogu soo doorto iyo Isagana uu kala shaqeeyo  RW Kheyre iyo Fahad Yasin in uu taageero musharaxnimada Madaxweynaha ee uu damaca kaga jiro Xassan Cali Kheyre.

Farmaajo ayaa u muuqda mid albaada laga soo xiray, waxaa loo balan qaaday in hadii heshiis laga gaaro shirka maanta  frumaya oo uu hogaanka u hayo Fahad Yasin uu Axmad Madoobe tagi doono magaalada Muqadishu halkaas oo uu kula kulmo doona MW Farmaajo.  Beesha Mariixaan ayaa dhanka kale waxa la aqbalsiinayaa in ay ka tanaasulaan Kismaanyo iyo hogaanka Jubbaland oo ay  in mudo rajo ka qabeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here