Uhuru Kenyatta oo markii ugu horeysay ka hadlay Doorashada Farmaajo

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay xil wareejintii Madaxweynaha ee shalay ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Farmaajo.

Waxa uu sheegay wax lagu farxo in ay aheyd in guul iyo si nabad ah ay ku soo dhamaato Doorashadii Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay xil wareejintii shalay cadeyn in ay u tahay Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika in ay ku soo laabatay wadadii saxda aheyd.

Uhuru Kenyatta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo si Dimuquraadi ah ugu guuleystay Doorashadii 8-dii Bishan ka dhacday Magaalada Muqdisho, shalayna uu si toos ah ula wareegay xilka Madaxweynaha.

“Qaabka Doorashada loo sameeyay waxa ay aheyd mid wanaagsan, amniga inta ay Doorashada socotay waxa uu ahaa mid ay iska kaashanayeen Ciidanka Dowladda Federalka iyo Howlgalka AMISOM, Soomaaliya waxa ay ku soo laabatay wadada saxda ah” Ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya in hada uu yahay mid wanaagsan, isagoo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu sii xoojiyo, si loo gaaro guulo muhiim ah.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay Doorashadii Soomaaliya ka dhacday in ay rajo wanaagsan u aheyd dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, maadaama ay ku dhacday si nidaam ah oo aysan jirin arbushaad iyo waxyaabo kale.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII