TOP NEWS:- Dilal ka dhaca Puntland oo Kordhay, Yaa ka dambeeya ?

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka  Puntland ayaa waxa ay sheegeen  in ay kordheen dilalka qorsheysan ee ka dhacaya degaanada maamulka Galmudug.

Xildhibaan Cabdi saciid Cabdi Samatar oo ka mid ah Xildhibaanadaasi ayaa sheegay in dilalka qorshaysan ee ka dhacaya Gaalkacyo in ay kordheen ,islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo laga doonaayo in ay la shaqeyaan Ciidamada Ammaanka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dad badan oo waxtar u lahaa Bulshada Gaalkacyo in la dilay ,islamarkaana aysan jirin tilaabo la qaaday.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu dilay Mas’uuliyiin Badan oo ka tirsan maamulka Puntland.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Warkii.Com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!