TOP NEWS: Dagaal Culus oo Soomaalida iyo Oromada ku dhexmaray degaanka Tulli Guuleed

0

Wararka ka imaanaya Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay sheegayaan in dagaal uu mar kale maanta ka qarxay agagaarka Degaanka Tulli Guuleed.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya laba jifo oo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, kuwaasoo uu iska hor imaad ku dhex marayay dhawaanahan meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 50 – 60 KM waqooyiga kaga beegan magaalada jigjiga.

Degaankaas ayaa xad la leh dhulka buuraleyda ah ee Harar, gaar ahaan degmada Jinacsani ee ay Orommadu degto.

Wararku waxay sheegayaan in 30 ruux oo labada dhinac ka kala tirsan ay ku dhinteen saddexdii asbuuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay degaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoobiya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.

Weli labada maamul ee Soomaalida iyo Orommada, iyo dawladda Federaalka ee Itoobiya kama aysan hadlin dagaalladaas.

Wali ma cadda khasaaraha nafeed iyo midka maal ee ka dhashay.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here